Wednesday, April 8, 2026
Home NEWS Xasan Sheekh, Xamze iyo Qoor qoor oo shir uga socdo Madaxtooyada Soomaaliya

Xasan Sheekh, Xamze iyo Qoor qoor oo shir uga socdo Madaxtooyada Soomaaliya

99

Apr 08(Jowhar)-Waxaa goordhow shir  uga furmay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee “qof iyo cod”, kaas oo muddo dheer laga doodayay.

Ilo ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in mas’uuliyiintu ay isla eegayaan sidii loo dardargelin lahaa qorshaha doorashooyinka tooska ah, iyo caqabadaha hortaagan hirgelintiisa.

Shirkan ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in dalka looga gudbo nidaamka doorashooyinka dadban, loona gudbo hannaan ay shacabka si toos ah u doortaan hoggaankooda.

Ilaa iyo hadda, faahfaahin rasmi ah lagama soo saarin natiijada kulankan.