Dec 23(Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meel fagaare ah ka sheegay in wadahadal uu la yeelanayo siyaasiyiinta isagoo la hadlayay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga JPS oo maanta magaalada Muqdisho ku qabtay dhoolatus ballaaran.
Qudbada uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu ku sheegay in arrimihii ay siyaasiyiintu ka soo saareen magaalada Kismaayo uu ka aqbalay mid ka mid ah oo ah in la wadahadlo.
“Go’aannadii Kismaayo hal qodob ayaan ka qaadanay, waana in wada-hadal la galo.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Gogosha wadahadalka waa furan tahay, dowladdu jawaab cad ayey ka soo saari doontaa baaqii Kismaayo, wixii wanaagsan oo ku jira waa la qaadaneynaa, gaar ahaan qodobkii ay ku dalbadeen in la wadahadlo, dowladdu baaqaas waxay ka soo saareysaa jawaab rasmi ah.”
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyay in aan la aqbali karin in dalka uu ku sii jiro afkaar lagu maamulayay soddonkii sano ee ugu dambeeyay iyo weliba dowladii ka sii horeeyay ee dalka ka talinayay.
“Talada dalka lagu xukumayo qof walbow miiska soo saar afkaartii soddon sano ka hor ee meeshii nagu hayay oo aan sii joogno waan diidanahay, jaho cusub caqli cusub talo cusub waddo dhalinyaradu hormuudka yihiin taladeeda ay leeyihin dalka soomaaliyeed ayaan dooneynaa.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu qudbadiisa ugaga hadlay arrimaha hogaanka dalka isagoo xusay in kaligii taliye uusan dalka maamuli karin.
“Fikir diktator ah ma yeeleyno dadka talo la weydiin maayo, nadaam lama imaanayno waa afkaar qadiim ah oo laga soo tagay qof walbow talada dalka lagu xukumayo miiska soo saar,”ayuu yiri Madaxweyne Xasan isagoo meesha ka saaray in dalka uusan qalqal geli doonin.










