Feb 28(Jowhar)-Xildhibaannada ka soo jeeda Puntland iyo Jubaland ee laga mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta u kala safraya magaalooyinka Garoowe, Nayroobi iyo Boosaaso, sida ay ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen.
Socdaalkan ayaa la sheegay in ujeedkiisu yahay xoojinta mowqifka labada Dowlad Goboleed ee ka soo horjeeda wax ka beddelka dastuurka.
Dhanka kale, Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ka ambabaxaya Muqdisho, kaddib markii uu fashilmay wada-hadalkii ay la lahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumaddiisa.










