Nov 09(Jowhar)-Xisbiga talada dalka Djibouti haya ee RPP ayaa si rasmi ah madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ugu doortay in uu noqdo musharraxa xisbiga ku metelaya doorashada la filaya in ay dalkaas ka dhacdo bisha April ee sannadka 2026-ka.
Ismaaciil Cumar Geelle oo dhowaan Dastuurka dalkaas ka saaray qodobkii caqabada ku ahaa ayaa doonaya in uu tartamo markiisi lixaad mana jirto cid ilaa hadda muuqata oo kula loollamaysa kursigan oo uu soo fadhiyey tan iyo 1999-kii
Xisbiga RPP ayaa talada Jabuuti soo hayey tan 1979-kii markaas oo ahayd laba sano ka dib wakhtigii ay Jabuuti xornimadeeda ka qaadatay dalkii gumaysan jirey ee Faransiiska.
Tan iyo wakhtigaas ma jiro xisbi kale oo ka soo baxay waddanka Jabuuti oo hana qaaday waxana taladu ku kooban tahay RPP oo keli ah.










