Tuesday, August 4, 2026
Home NEWS Xisbiga Towfiiq oo diiday Natiijada Doorashada Galmudug

Xisbiga Towfiiq oo diiday Natiijada Doorashada Galmudug

44

Aug 04 (Jowhar)-Xisbiga Towfiiq ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu qaadacay natiijada doorashadii Golaha Deegaanka iyo Golaha wakiilada Galmudug ee ay ku dhawaaqeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaran.

Warsaxaafadeed uu xisbigu soo saaray ayaa lagu sheegay in doorashadii dhacday 30-kii Luulyo 2026 aysan u dhicin si hufan oo caddaalad ah, isla markaana natiijadii lagu dhawaaqay aysan ka tarjumayn rabitaanka shacabka.

Xisbiga Towfiiq wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay habka loo maamulay doorashada, isagoo ku dooday in ay hareeyeen musuqmaasuq iyo hannaan dhaawacaya kalsoonida shacabka ee doorashooyinka qof iyo cod.

Sidoo kale, xisbigu wuxuu ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka iyo dhammaan hay’adaha ay khusayso in dib loogu laabto geeddi-socodka doorashada, lana saxo khaladaadka jira si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, xalaal ah, oo daahfuran.

Ugu dambeyn, Xisbiga Towfiiq ayaa sheegay inuu sii wadi doono difaaca dimuqraadiyadda, isla markaana uu garab taagan yahay rabitaanka shacabka Galmudug.

Ururka Towfiiq ayaa ka helay guud ahaan labada gole ee loo tartamayay 49 kursi,iyadoo uu xisbigu ka helay golaha wakiilada illaa 12 kursi balse filayay inuu helo kuraas intaa ka badan.