Monday, April 13, 2026
Home NEWS 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 kordhiyay π—πšπšπ₯𝐚𝐝𝐝𝐚 πƒπžπ ππžπ π πš 𝐚𝐑 𝐞𝐞 π’π¨π¨π¦πšπšπ₯𝐒𝐲𝐚

𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 kordhiyay π—πšπšπ₯𝐚𝐝𝐝𝐚 πƒπžπ ππžπ π πš 𝐚𝐑 𝐞𝐞 π’π¨π¨π¦πšπšπ₯𝐒𝐲𝐚

170

Apr 13(Jowhar)Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay hal sano oo horleh ku kordhisay xaaladda degdegga ah ee Soomaaliya, taas oo markii horeba soo socotay tan iyo sannadkii 2010-kii.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa saxeexay ogeysiis rasmi ah oo lagu sheegayo in xaaladda ammaan ee Soomaaliya ay weli khatar aan caadi ahayn ku tahay amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka. Sida ku cad dukumintiga ka soo baxay Aqalka Cad, go’aankan ayaa loo sababeeyay rabshadaha weli ka socda Soomaaliya, falalka burcad-baddeedda, socodka hubka sharci-darrada ah, iyo khatarta joogtada ah ee kooxaha argagixiso.

Muddada cusub ee lagu daray xaaladdan degdegga ah, oo ku dhisnayd Amarkii Fulinta ee 13536, ayaa bilaabanaysa wixii ka dambeeya 12-ka Abriil, 2026. Tallaabadan ayaa u oggolaanaysa maamulka Washington inuu sii waddo cunaqabataynta iyo tallaabooyinka gaarka ah ee uu ka fuliyo Soomaaliya, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka iyo danta amniga ee Maraykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay u dabbaldegtay maalinta ciidanka, waxayna sheegtay in ammaanka uu wanaagsanyahay, hase ahaatee amniga Soomaaliya ayaa ah mid macnawi ahaan u jira, maadaama ay weli sii socdaan cadaadisyada caalamka ee ka dhanka ah amniga Soomaaliya.