Dec 09(Jowhar)-Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Federaalka Cabdikariim Axmed Xassan oo saaka ka hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in guddigiisu ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee loo xilsaaray, wuxuu sheegay in diyaargarowga doorasho degmooyinka Banaadir ay si hufan dhankooda u wadaan, 12 urur siyaasadeed ayuu tilmaaay in ay liisaska musharaxiintooda soo gudbiyeen.
Cabdikariim ayaa ku adkeystay in aan waxba iska bedelin jadwalkii u dambeeyey ee ay soo gudbiyaan oo ay kusoconayaan, xili ay jiraan is rogroga dhinaca siyaasadda ah oo madaxweyne Xassan Sheikh dhexda uga jira.










