Cabdisalaan;”Ma jiro calaaqaad diblumaasi oo lala yeelan karo qeyb ka mid ah Soomaaliya”

370

Jan 10 (Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha dibada ee Iskaashiga Islaamka ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed, iyadoo u maraysa dhanka diblomaasiyadda iyo siyaasadaha ku dhisan cilaaqaadka laba geesoodka ah.

“Ma jirto wax cilaaqaad ah oo diblomaasiyadeed oo lala yeelan karo qayb ka tirsan Soomaaliya, waana waajib in la ilaaliyo midnimada Qaran ee Soomaaliya” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya.

Wasiir Cabdisalaan ayaa intaasi ku daray hadalkiisa, in aqoonsi kasta oo aanan sharci ku dhisnayn oo hal dhinac ah uu yahay mid waxba kama yiraan ah.

Xuseen Ibraahim Daaha Xoghaayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in ururku uu cambaarayno Aqoonsiga Xadgudubka ah ee Israall ku aqoonsatay qayb ka mid ah Soomaaliya.