Axmed Madoobe oo weeraray madaxweyne Xasan, kana hadlay xiisada Somaliland

79

Jan 14(Jowhar)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ayaa sheegay in dawladnimadii Soomaaliya ay jid halis ah kusocoto, uma muuqato mid ku burburaysa gacanta madaxweyne Xassan Sheikh, hadii aan la qaban, wuxuu sheegay in dawladnimadii ku koobantay Muqdisho.

1- Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay arrinta Somaliland ayaa sheegay in ay xaq u leeyihiin gartood, laakiin ay ka raadiyeen meel fog oo ay jiri kartay meel ka dhaw, isagoo sheegay in jidka ay Soomaaliya ku socoto ay halisyo cusub ka dhalan karaan.

2- Axmed Madoobe ayaa sheegay in haddii aan gacmaha la qaban Xassan Sheikh, ay dhici karaan Puntland & Jubbaland ay qaadan dhabo ay gaar iskugu tashanayaan, kana durugsanaan karta halka hadda Somaliland laga hadlayo.

3- Madaxweynaha JL ayaa sheegay in laga hadli jiray diyaarad saaran Hargeysa, balse ay arkeen in diyaarad Drone ah oo Soomaaliya caalam siiyey lagu weeraray Raskambooni, oo ay taas muujinayso masuuliyad daradda Hoggaanka DFS, sida uu sheegay.

4- Go’aanka dekedaha saameynaya ee kasoo baxay dawladda Faderaalka ayuu sheegay in aysan waxba ka bedeli karin xaqiiqada dhulka taala, isagoo tilmaamay in DFS kufashilantay maamulida Hawada oo ay siyaadeysay, isku dayga dekeduhuna yahay mid aan suuragal aheyn.

5- Haddii uu madaxweyne Xassan Sh 20ka maalin ku jawaabi waayo ayuu sheegay in ay Jubbaland qabanayso shirweyne aayo katashi ah oo ay dhammaan iskugu imaanayaan golayaasha dawladda, Talo mideysana lagu gaarayo.