Jan 17(Jowhar)-Safiirrada dalalka Sucuudi Careebiya, Turkiga, Suudaan, iyo diblumaasiyiin kale ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda magaalada Laascaanood.
Ujeedka socdaalka wafdigan diblumaasiyadeed ayaa ah ka qeyb-galka xafladda caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Firdhiye, oo maanta ka dhacaysa magaalada Laascaanood.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre, oo horay u sii gaaray magaalada Laascaanood, ayaa halkaas ku sugan, iyagoo ka qeyb-galaya munaasabadda caleema-saarka.










