Jan 21(Jowhar)-Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somaliya Abdiasis golfyare ayaa si wayn u weeraray Madaxda Somaliland.
Wuxuu Sheegay in ay yihiin niman Safarada ay dalka Cambaaraysan ku aadayaan cabsi ay ka qabaan Shacabkooda kaga dhuumanaaya Warbaahinta una qarinaaya safarkooda.
Wariyaasha ayuu ku weeraray in ay dhiiri galinayaan xilligaan qarinta xogta siyaasi dad, deegaan, iyo dowlad metela in uu ka dhuunto shacabkiisa islamarkaana galo safar aan xog laga haynin.
Sidoo kale wuxuu gaashaanka u daruuray isbarbardhiga lagu samaynaayay maalmahaan safarada Madaxda gooni u goosadka iyo Madaxda sare ee qaranka.
Qoraal uu soo saaray ayaa u qornaa” Safarrada madaxda Qaranka waa kuwo qorsheysan oo lagu xaqiijinayo ahdaaf uu Qaranku leeyahay, waxayna ka mid yihiin howl maalmeedkooda.
Sir maaha, muwaadiniintana waxay xaq u leeyihiin inay xogta ugu badan ka ogaadaan, laga billaabo marka safarka la qorsheynayo, xilliga, muddada, mas’uuliyiinta safrayo, ajendaha loo safrayo, cidda lala kulmi doono iyo ugu dambeyn natiijada laga gaaray.
Is barbar dhigga safarrada madaxda Qaran jira iyo maamul gooni u goosad ah oo tahriib ku taga dal dunida ka cambaareysan oo ka baqayo inay shacabkooda ogaadaan maadaama ay ka shaqeynayaan wax ka soo horjeeda dhaqanka, diinta iyo mabaadi’da dadkooda, lagama fileynin suxufiyiin waa weyn.
Suxufi dhiirri gelinaayo in xogta safarrada madaxda la qariyo 2026 waa wax lala yaabo.










