Xogta socdaalka madaxweyne Xasan ee dalka Itoobiya

0
374

Jul 26 (Jowhar)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maalinta berri oo Axad ah gaaro magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu yahay kulan heer sare ah oo lala yeelanayo madaxda Dowladda Itoobiya, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo xaaladda ciidamada Itoobiyaanka ee aan qeyb ka ahayn howlgalka ATMIS, balse weli ku sugan gudaha Soomaaliya — gaar ahaan magaalooyin muhiim ah oo istiraatiiji ah.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Balcad, ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, isagoo hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha. Socdaalkiisu wuxuu xambaarsanaa diyaargarow diblomaasiyadeed iyo la-tashi hordhac ah oo la xiriira qodobada kulanka la filayo in Madaxweyne Xasan uu la yeesho .

Safarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu ka socdo dagaal culus gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka Beledxaawo, halkaas oo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku horfadhiyaan xoogag ka tirsan Maamulka Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah kuwaas oo aan hoos imaanin ATMIS ay joogaan Beledxaawo, taas oo sii kordhisay dareenka walaaca ee Dowladda Federaalka uga jira faragelinta suurtagalka ah ee xuduudaha iyo arrimaha gudaha.

Diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa rumeysan in kulanka berri uu noqon doono mid “lagu kala aragti duwanaan karo”, maadaama xiriirka labada dal uu marayo marxalad aad u xasaasi ah, gaar ahaan kaddib xiisaddii ka dhalatay heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya iyo Somaliland dhexmaray.