Feb 10 (Jowhar)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba ruux oo lagu helay dambi ah inay ay dad dileen.
Labadan ruux ee dilka lagu fuliyay oo kala ahaa Cabdi C/qaadir Maxamed Iyo Farxaan Maxamuud Cabdinuur ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Alshabaab ayna afar ruux dileen.
Maxkamada Darajada 1aad ee ciidamada qalbka sida ayaa hore xukun dil ah ugu ridey labadan ruux ee saaka dilka lagu fuliyay.
Fulinta xukunka ayaa saaka ka dhacday fagaaraha toogasho ee Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada & saraakiil ciidan.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in xukunkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo caddaaladda iyo la dagaallanka falalka dilalka Khawarijta ee ka dhaca caasimadda iyo meelkasta oo dalka ah.










