Tuesday, February 10, 2026
Home NEWS Imaaraadka Carabta oo ku tababaraya RSFta Sudan gudaha Itoobiya

Imaaraadka Carabta oo ku tababaraya RSFta Sudan gudaha Itoobiya

66

Feb 10 (Jowhar)=Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay ka dhex dhistey xeryo milatari  oo qarsoodi ah oo lagu tababaro kumanaan dagaalyahanno ah oo ka tirsan kooxda Gurmadka Degdegga ee RSF Sudan gudaha dalka Itoobiya sida ay daabacday wakaalada wararka Reuters.

Warbixin ay daabacday Reuters ayaa lagu baahiyay sawiro lagu qaaday dayax gacmeedka kaasoo muujinayay xeryo ciidan iyo garoomo diyaaradeed ku yaal gudaha Ethiopia.

Sawiradan ayaa la sheegay inay u yihiin cadeyn buuxda in Ethiopia ay si toos ah ugu lug leedahay  dagaalada sokeeye ee ay dadka badan ku dhinteen ee ka socda dalka Sudan.

Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay maalgeliyeen dhismaha xerada, isla markaana ay siiyeen tababarayaal ciidan iyo taageero saadka ah.

Hase yeeshee,wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadku waxay sheegtay in aysan qayb ka ahayn khilaafka ama sinaba ay ku lug leeyihiin dagaalka.

Horraantii Jannaayo, 4,300 oo dagaalyahannada RSF ah ayaa goobta ku qaadanayay tabobar millatari, “sahaydooda iyo saadka ciidankoodana waxaa bixinaya Imaaraadka,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen laamaha ammaanka ee Itoobiya oo ay aragtay Reuters.

Ciidamada Suudaan ayaa horay ugu eedeeyay Imaaraadka in ay hub siiyaan RSF-ta, arrintaas oo khubarada Qaramada Midoobay iyo sharci-yaqaannada Mareykanka ay ogaadeen in lagu kalsoonaan karo.

Abu Dhabi waxa ay si weyn u taageertay xukuumadda ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed tan iyo markii uu xafiiska qabtay ee 2018-kii, waxaanay labada dal dhiseen isbahaysi milatari sannadihii u dambeeyay.

Dadka xerada la qorayo ayaa u badan Itoobiyaan, laakiin muwaadiniin ka soo jeeda Koonfurta Suudaan iyo Suudaan, oo ay ku jiraan SPLM-N, oo ah jabhad Suudaani ah oo maamusha dhul ka tirsan gobolka Blue Nile ee Suudaan la deriska ah, ayaa sidoo kale  ku sugan sida ay saraakiil u xaqiijiyeen  Reuters.

Kaamkan ayaa laga sameeyey dhul kaymo ah oo ku yaalla degmo lagu magacaabo Menge, oo qiyaastii 20 mayl u jirta xuduudka, isla markaana ku taal meel istaraatiiji ah oo ay wadaagaan labada dal iyo Koonfurta Suudaan, sida ku cad sawirka dayax gacmeedka.

Dagaalka Sokeeye ee Suudaan ayaa qarxay 2023 ka dib dagaal awoodeed oo u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan iyo RSF.

Malaayiin qof oo qaxooti ah ayaa u qaxay Masar, Chad, Liibiya iyo Koonfurta Suudaan.

Labada dhinacba waxa ay xoog ka helayaan taageereyaasha caalamiga ah, taas oo sii hurinaysa dagaalka, waxaanay kordhinaysaa khatarta ah in dagaalladu u gudbaan dalalka deriska ah.