Daddweynaha ku nool degmooyinka Hodan iyo Kaaraan oo u dareeray goobaha diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha
Apr 26(Jowhar) Waxaa saaka mar kale diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashada qof iyo cod ee Golaha Deegaanka looga dareeray degmooyinka Kaaraan iyo Hodan, iyadoo boqolaal dadweyne ay safaf u galeen is-diiwaangelinta.
Dadweynaha saaka is-diiwaangeliya ayaa waxaa ku jiray dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaasoo ka mid ahaa shacabka degmooyinkaas ee isu diiwaan geliyay, si ay marka la gaaro doorashada qof iyo codka uga qeyb qaataan, codkoodana u dhiibtaan.
Kaaraan iyo Hodan ayaa ku biiraya Degmooyinka Shangaani, Shibis, Cabdicasiis, Boondheere, Xamarwayne, Xamar-Jajab, iyo Waabari oo maalmihii la soo dhaafay ka socotay is-diiwaangelinta.