Wednesday, February 11, 2026
Home NEWS Labada Aqal ee Baarlamaanka oo soo gabagabeeyay dooda cutubka 5aad ee dastuurka

Labada Aqal ee Baarlamaanka oo soo gabagabeeyay dooda cutubka 5aad ee dastuurka

81

Feb 11(Jowhar)-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 13-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare.

Ajendaha kulanka oo ahaa dooda qodobada cutubka shanaad ee dastuurka Kmg ah, ayaa XIldhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka waxa ay sii amba qaadeen ka doodista cutubka shanaad ee dastuurka.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyay dooda la xiriirta cutubka shanaad ee dastuurka Kmg ah, islamarkaana kulanka kan xiga ee dhici maalinta sabtiga ah ay bilaaban doonto dood cutubka lixaad.