Daacish oo 40 qof ku dishay dalka Congo

0
345

Jul 28 (Jowhar) In ka badan 40 qof ayaa lagu dilay weerar ay qaadeen kooda Daacish ee waqooyi bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida uu sheegay militariga iyo Qaramada Midoobay.

Dadkaasi ayaa intooda badan ahaa dad ku cibaadeysanayay kaniisad ku taal magaalada Komanda markii ay soo weerareen dagaalyahanada Allied Democratic Forces (ADF). Sagaal ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa caruur, sida uu sheegay howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Waxaa sidoo kale la dhacay dukaamo iyo goobo ganacsi oo ka ag dhawaa goobtaas, kuwaas oo dabna la qabadsiiyay.

ADF ayaa laga aasaasay dalka Uganda sagaashameeyadii, iyadoo ku eedeysay dowladda dalkaas inay dhibaateynayso muslimiinta, balse hadda waxaa saldhig u ah xuduudda DR Congo, halkaasoo ay si joogto ah u weerarto dadka rayidka ah ee diimaha kala duwan leh, iyo sidoo kale dalka Uganda.