Feb 14(Jowhar)-Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa maanta gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.
Garoonka Al Bateen waxaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Imaaraadka, Mohamed bin Zayed Al Nahyan, iyadoo ay wehliyeen masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka.
Booqashada Amiirka ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhaqaale, maalgashiga, iyo arrimaha gobolka.
Imaaraadka oo dhawaan go’doon ka galay dalalka Carabta ayaa doonaya in uu xaliyo khilaafka kala dhexeeya dalal kale. Dhawaan waxaa booqday Madaxweynaha Masar, hada Amiir Qatar halka dhawaan uu tagi doono madaxweynaha Turkiga.










