U gudub nuxurka
Jimco, 27 Nofembar 2026 17 Jumaadal Aakhira 1448
Waqtiyada salaadda: Muqdisho
  • Subax
  • Duhur
  • Casar
  • Maqrib
  • Cishe
1 USD = 571 SOS
Hadalhaynta Russian Trump Key Agreement Summit Gaza

Salaadi janaasada Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble

Salaadi janaasada Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble Wararka

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), hoggaamiyeyaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, xildhibaano, Safiiro iyo boqolaal shacab ah ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kaga qeyb galay salaadda janaasada Alle ha u naxariistee hoggaamiyihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble, oo dhawaan ku geeriyooday dalka Masar.

Dhammaan dadkii ka qeybgalay janaasada marxuumka ayaa Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, dembigiisana dhaafo, halka ehelka, qoyska iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay Eebbe uga baryeen inuu ka siiyo samir iyo iimaan.

More News