Feb 15(Jowhar)-Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona xeebaha dalkeenna, tallabadaas ayaa qeyb ka ah fulinta heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo difaac oo ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkey.
Munaasabadda sagootinta Markabka waxaa maanta ka qeyb galay Wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka, Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo masuuliyiin kale, dhanka Turkiga masuuliyiin sare oo Wasiirka Batroolka uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay munaasabadda taariikhiga ah ee sagootinta Markabka Cağri Bey.
Waa Markabkii labaad oo Turki ah oo la geeyo biyaha Soomaaliya kadib Oruç Reis. Sidoo kale waa markabkii ugu horreeyay ee qodaya oo la geeyo meel ka baxsan biyaha Turkiga, ayuu Wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee dowlada Turkiga Alparslan Bayraktar ku yiri hadal uu ka jeediyay xafladda oo ka dhacday dekedda Taşucu ee degmada Silifke ee Mersin.
“Wado dheer ayaa sugaya Çağrı Bey,” ayuu yiri, isagoo soo jeediyay in markabka uusan sii mari doonin Suweys balse uu sii mari doono badweynta Atlaantigga, xeebaha galbeed ee Afrika, ka dibna u sii jeedda Dekedda Muqdisho.
Wuxuu sheegay in safarkan uu qaadan doono muddo 45 maalmood ah.
Markabka Oruç Reis ayaa laga soo diray Istanbul bishii Oktoobar 2024, waxaana uu soo gabagabeeyey hawshiisa xagaagii sannadkii hore.
Qorshahan loogu dirayo Çağrı Bay ee biyaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo Ankara ay dadaal ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa baarista shidaalka iyo gaaska ee gudaha iyo dibadda.










