Tuesday, February 17, 2026
Home NEWS Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay bilatay bishii Ramadaan

Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay bilatay bishii Ramadaan

113

Feb 17(Jowhar)-Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta ee Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow xaqiijisay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay tahay berri 1da bisha ramadaan oo laga arkay bisha magaalooyin ka mid ah dalka Soomaaliya.

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha islaamka ee dowlada federalka Muqtaar Roobow ayaa ku dhawaaqay in berri oo Arbaco ah taariikhduna tahay 18ka Febraayo ay tahay maalinta koowaad ee Soon-qaad kadib markii laga arkay bisha magaalooyinka Jowhar, Beladweyne iyo Muqdisho.

Sacuudiga iyo dalalka khaliijka intooda badan ayaa ku dhawaaqay caawa in laga arkay bisha Ramadaan, ayna beri tahay Soon.