Monday, February 23, 2026
Home NEWS Wasiir Faarax iyo Sanbaloolshe oo ergo ahaan loogu diray mucaaradka

Wasiir Faarax iyo Sanbaloolshe oo ergo ahaan loogu diray mucaaradka

210
Screenshot

Feb 23(Jowhar)-Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa labo kamid ah saaxiibadiisa siyaasadeed ergo siyaasadeed ahaan ugu diray Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, si uga baajiyaan in ay golaha soo saaran warmurtiyeed kama dambeys ah oo ay kusheegayaan in madaxweynuhu xalkii doorashada & Dastuurka diiday, horu socodna laga gaari waayay wada hadalkii socday.

Xubnahan ayaa fadhiya meel gooni ka ah halka uu fadhiga uga socdo xubnaha golaha mustaqbalka Soomaaliya, shalay Cameradaha qaarkood ayaa duubay, madaxweyne Xassan Sheikh oo ku leh labo kamid ah xubnaha golaha Mustaqbalka Yaan ummadda loo sheegin in la kala tagay ee ilaa berri iga war suga.

Labadan xubnood oo kala ah Wasiirka waxbarashada Faarax Cabdulqaadir & Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa ciyaaraya door ay iskugu dayayaan in ay fariinta ergada ah ku qanciyaan golaha mustaqbalka Soomaaliya.

Xubnahan qaarkood ayaa qaba in la qoro warmurtiyeed taxadar leh oo lagu badbaadinayo shirka in la dhaho wuxuu fashilmay oo la kala tago.