Monday, February 23, 2026
Home NEWS Mareykanka oo fariin u diray dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

Mareykanka oo fariin u diray dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

281

Feb 23(Jowhar)-Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa war kooban oo ay soo saartay kula hadashay dowladda iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo ku adkeysay in wadahadalka iyo isu tanaasulku ay lama huraan u yihiin horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Safaaraddu waxay ku dhiirrigelisay hoggaamiyeyaasha dalka inay sii wadaan dadaallada lagu xoojinayo geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan, iyadoo carrabka ku adkeysay muhiimadda ay midnimadu u leedahay xasilloonida iyo dowlad-dhiska.

Qoraalka safaaradda ayaa lagu sheegay in midnimadu ay ka hortagto argagixisada, xoojiso hay’adaha dowladnimada, isla markaana hormariso danaha Soomaaliya iyo kuwa beesha caalamka.

War-saxaafadeedka ayaan bixin faahfaahin dheeraad ah, hase yeeshee wuxuu imaanayaa xilli ay dalka ka jiraan dooddo iyo kulammo siyaasadeed oo xasaasi ah.