Feb 25(Jowhar)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay labada mas’uul yeeshaan muddo dhowr sano ah ayaa sida lagu daabacay bogga uu ku leeyahay facebook Madaxweynihii hore Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa loogaga hadlay xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo xal-u-helidda khilaafaadka ka taagan dastuurka iyo doorashooyinka dalka.
“Waxaan kulan la qaatay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta goleyaasha dowladda Puntland oo maanta booqasho iyo salaam iigu yimid ,Wafdiga Puntland waxaan ku bogaadiyey niyadsamida iyo dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo qalalaase amni.”ayuu yiri Maxamed Cabdulahi Farmajo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Madaxweyne Deni ayaa waxaa booqashada ku weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.










