Friday, February 27, 2026
Home NEWS Dagaal toos ah oo ka dhex qarxay Afghanistan iyo Pakistan

Dagaal toos ah oo ka dhex qarxay Afghanistan iyo Pakistan

2

Feb 27(Jowhar)-Afghanistan iyo Pakistan ayaa mar kale dagaal uu ka dhex qarxay iyadoo Wasiirka Difaaca Pakistan Khawaja Asif ayaa sheegay in dagaal furan uu u dhexeeyo Pakistan iyo xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan iyadoo qaraxyo laga soo sheegayo Kabul, dagaalkana uu ka socdo xadka.
Saacado ka hor, afhayeenka xukuumadda Talibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in Afgaanistaan ay fulineyso howlgal ballaaran oo weerar ah oo ka dhan ah millatariga Pakistan gaar ahaan xadka kala qaybiya labada wadan.

Pakistan waxa ay sheegtay in ay dishay 133 dagaalyahan oo Taliban ah, laba ka mid ah askarteedana ay dhinteen.

Sida laga soo xigtay Afgaanistaan, 55 askari Pakistani ah ayaa la dilay halka siddeed ka mid ah dagaalyahanadeeda ay ku dhinteen weerarada, balse sheegashooyinkaas si madax banaan looma xaqiijin karo.

Wadamada caalamka ayaa ugu baaqaya dhinacyada dagaalamaya inay is xakameeyaan.
Xiisaddii u dambeysay ayaa daba socota dagaallo toddobaadyo ka socday xuduudda ay wadaagaan dalalka, iyadoo labaduba ay sheegeen in tobanaan qof lagu dilay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres iyo madaxa xuquuqda aadanaha, Volker Turk, labaduba waxay ka hadleen xaaladda dagaal ee sii kordhaysa.

Guterres wuxuu ku boorriyay Pakistan iyo Afghanistan inay si adag u hoggaansamaan waajibaadka saaran sharciga caalamiga ah, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.

Dhanka kale, Turk ayaa ku baaqay wadahadallo dhex mara Afgaanistaan iyo Pakistan xilli ay ka socdaan isku dhacyo xuduudeed iyo duqeymo cirka ah oo dhimasho leh.