Monday, March 9, 2026
Home NEWS Trump oo si lama filaan ah uga hadlay doorashada hoggaaminta u sareysa...

Trump oo si lama filaan ah uga hadlay doorashada hoggaaminta u sareysa ee Iran

285

Mar 09(Jowhar)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka falceliyay doorashada hoggaaminta u sareysa Iran ee Mojtaba Khamenei oo uu dhalay Ali Khamenei noqonayana Ayatulaahiga 3aad ee Kacaankii 1979-kii qabsaday Talada Iran.

Trump ayaa yiri, “Waan arki doonaa waxa dhaca.”, bilowgii Aqalka Cad waxay sheegeen in uu hadaf u yahay qof kasta oo ladoorto aana laga tashan dhankooda.

Hadalkan kooban ayaa muujinaya in Washington ay si taxaddar leh ula socoto isbeddelka hoggaanka Iran mowqifkiisa siyaasiga ah.