Mar 12(Jowhar)-Hogaamiyaha cusub ee Iran Mojtaba Khamenei, ayaa uga digay Mareykanka inuu si deg deg ah u xiro saldhigyada Khaliijka, haddii kale uu la kulmi doono weeraro kale, fariintiisii ugu horeysay tan iyo markii uu xukunka la wareegay.
Mojtaba Khamenei, oo ah ina Ali Khamenei, lama arag, lamana maqal tan iyo markii ay Maraykanka iyo Israa’iil duqaymaha ku dileen aabihii iyo xubnaha kale ee qoyskiisa maalintii ugu horraysay ee dagaalka.
Balse hadal qoraal ah oo maanta laga sii daayay Telefishinka qaranka Iran, ayuu wacad ku maray inay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan dalalka Khaliijka, haddii aysan dalka ka saarin ciidamada Mareykanka.
Wadamada Khaliijka ayaa la kulmay weeraro joogta ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaalada lagu weeraray kaabayaasha dhaqaalaha iyo shabakadaha gaadiidka tan iyo markii uu bilowday ololaha duqeymaha Mareykanka iyo Israel.
Khamenei ayaa sidoo kale ku baaqay in la sii wado xannibaadda marinka Hormuz si ay u ilaaliso qulqulka saliidda adduunka.
Waxa uu sidoo kale ka digay in Iran laga yaabo in ay furto waji cusub oo dagaalka ah, oo maalintii 13-aad galay, isagoo aan bixin sharraxaad dheeraad ah.
Khamenei waxa kale oo uu ammaanay wakiillada Iran, sida Hezbollah, si ay gacan uga geystaan weerarrada lagu qaado cadawga Iran, isaga oo ula jeeda dagaalyahannada Jabhadda iska caabinta inay yihiin saaxiibada ugu dhow ee Iran.
56-jirka, oo ilaa dhawaan ahaa wadaad darajo dhexe ah, ayaa intaa ku daray inuusan ka waaban doonin inuu ka aarguto dhiiggii shahiidiinntii ay dileen Maraykanka iyo iran, isagoo si gaar ah ula jeeday iskuulka gabadha oo ay u badan tahay in lagu weeraray US Tomahawk, oo ay ku dhinteen in ka badan 150 carruur ah, macalimiin iyo waalidiin.
“Aargoosiga aan niyadda ku hayna kuma koobna oo keliya shahiiddii hoggaamiyihii weynaa ee Kacaanka – balse, xubin kasta oo ummadda ka mid ah oo cadowgu ka shahiiday waxay ka dhigan tahay arrin madax bannaan oo ku jirta faylka ciqaabta.”ayuu yiri.
Xaqiiqda ah in uusan wali si fagaare ah uga soo muuqan ayaa keentay in su’aalo la iska weydiiyo inta uu le’eg yahay dhaawaca soo gaaray, iyadoo warar xan ah ay sheegayaan in uu koomo ku jiray ama uu lug ka go’ay.









