Friday, March 13, 2026
Home NEWS Afar askari oo Maraykan ah oo ku dhimatay diyaarad ku burburtay Ciraq

Afar askari oo Maraykan ah oo ku dhimatay diyaarad ku burburtay Ciraq

97

Mar 13(Jowhar)-Diyaarad laga leeyahay dalka Mareykanka oo ah nooca shidaalk siisa diyaaradaha dagaalka ayaa ku burburtay galbeedka dalka Ciraaq, waxaana ku dhintay afar ka mid ah lixdii shaqaalihii diyaaradda, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka ee CENTCOM, iyadoo ay socdaan dadaallada lagu samata bixinayo labada qof ee kale.

War saxaafadeed ay soo saartay CENTCOM ayaa lagu sheegay in shilkaasi ay ku lug lahaayeen labo diyaaradood,Diyaaradii labaad, ay si nabad ah ku degtay”.

Si kastaba ha ahaatee, iska caabinta Islaamiga ah ee Ciraaq ayaa sheegatay mas’uuliyadda soo rididda diyaaradda, iyagoo ku dhawaaqay inay soo rideen diyaarad ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ee KC-135 ayna ku soo rideen galbeedka Ciraaq.

Tirada ciidamada Maraykanka ee ku dhintey dagaalka Iiraan ayaa gaartay 11,waxaa lagu qiyaasay 1,348 Iiraaniyiin ah in la dilay tan iyo markii ay bilowdeen dagaalka, iyo 15 Israa’iiliyiin ah. 17 qof oo kale ayaa ku dhintay dalalka Khaliijka ee u dhow.