Monday, February 9, 2026
Home NEWS Kulanka Golaha Wasiirada oo looga hadlay dagaalkii Beledxaawo

Kulanka Golaha Wasiirada oo looga hadlay dagaalkii Beledxaawo

2334

Jul 31 (Jowhar)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo.

Waxaana goluhu ku ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada garab istaaggaย  ay u muujiyeen dowladnimada iyo ka shaqeynta nabadda gobolka Gedo, haddana ay shaqeynayaan xaruumihiiย  dowladda ee bixin jiray adeegga-yadda.

Golaha Wasiirrada, ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ah ay mudnaanta siineyso dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, hadafkeeduna uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhammaystiran, cid kasta oo ka shaqeynaysa daganaansho laโ€™aanna ay carqaladeynayso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka Nidaamka Maareynta Maaliyadda, iyo Xisaab-xirka sanadeedkii 2024.