Monday, March 23, 2026
Home NEWS Trump oo ugu danbeyn wada-hadal ka dalbaday Iran

Trump oo ugu danbeyn wada-hadal ka dalbaday Iran

269
Trump vows no more attacks by Israel on Iran gas field
The escalation heightens the unprecedented disruption of global energy supplies that has raised the political stakes for the US president

Mar 23(Jowhar)-Horumar ayaa laga gaaray wad-hadalo u socday Mareykan iyo Iran iyadoo Trump uu amray ciidankiisa iney weerar danbe qaadin.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in natiijo wanaagsan laga gaaray wadahadalo ay la yeesheen Iiraan oo ku saabsan soo afjaridda dagaalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulkiisu labadii maalin ee la soo dhaafay wadahadalo ay la yeesheen Iiraan la iskula af-gartay xal buuxa oo dhameystiran oo lagu soo afjarayo colaadda ka taagan Bariga Dhexe.

Trump ayaa faray Wasaaradda Difaaca inay dib u dhigto dhammaan weerarrada milatari ee la qorsheeyay in lagu qaado warshadaha korontada iyo kaabeyaasha tamarta Iran muddo shan maalmood ah, taasoo ku xiran sida ay u guuleystaan kulamada iyo wadahadallada socda.

Trump wuxuu hadalkan ku qoray xarfo waaweyn , wuxuuna soo dhigay boggiisa Truth Social.