Madaxweyne Afwerki oo dhambaal ka helay Aqalka Cad

0
476

Aug 01 (Jowhar)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishan Luulyo 30-keedii warqad rasmi ah u diray Madaxweynaha Eriteriya, Isaias Afwerki.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel oo warkan ku shaaciyay bartiisa X ayaa cadeeyay in Trump uu warqad u soo diray Madaxweyne Isaias Afwerki, taasoo uu ku sheegay inuu ka shaqeynayo sidii uu u “sixi lahaa dhaawaca iyo dib u dhaca ay dunida ku reebtay siyaasaddii maamulka Biden.”

Warqadda oo uu Trump uga jawaabayay hambalyo uu Madaxweyne Isaias u diray bishii Noofembar ee sanadkii hore, ayaa lagu muujiyay diyaar u ahaanshaha maamulka Trump in dib loo dhiso xiriir suuban oo dhex mara labada dal, oo ku saleysan “daacadnimo, is-ixtiraam, iyo fursado horumarinaya nabadda iyo barwaaqada Geeska Afrika iyo Badda Cas.”

Sida la xasuusto, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa Noofembar sanadkii hore u diray Madaxweyne Trump farriin hambalyo ah oo uu ku bogaadiyay “soo noqoshadiisa taariikhiga ah” iyo doorashadiisa madaxweynenimo ee 47aad ee Mareykanka “xilli uu caalamku u baahan yahay nabad iyo hoggaan cusub.”

Madaxweyne Isaias wuxuu markaas muujiyay rajo ah in doorashada Trump ay furi doonto “cutub cusub oo ku saleysan iskaashi wax ku ool ah oo dhexmara Eriteriya iyo Mareykanka.”