Madaxweynaha Lubnan oo hub ka dhigis ugu baaqay ururka Xizbullah

0
254

Aug 02 (Jowhar)-Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa ugu baaqay ururka Xisbullah iyo xisbiyada kale ee siyaasadeed inay hubkooda ku wareejiyaan ciidanka milatariga, iyadoo kooxdan ay ka biyo diidsan tahay hindisahan, xilli Washington ay kordhisay cadaadiska ku aaddan in hubka laga dhigo.

“Waajibaadka saaran dhammaan xisbiyada siyaasadeed waa inay ka faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah iyagoo aan gabban, ayna ku dadaalaan in hubku noqdo mid si gaar ah ugu jira gacanta ciidamada milatariga iyo kuwa amniga” ayuu yiri Aoun isagoo khudbad telefishinka laga baahinayay ka jeediyay xarunta wasaaradda difaaca.

Xisbullah oo si weyn ugu dhaawacantay dagaalkii ay la gashay Israa’iil sannadkii hore waxay sheegtay in baaqyada lagu doonayo in ay hubka dhigto ay u adeegayaan danaha Israa’iil.

“Kuwa doonaya in hubka lagu wareejiyo ciidanka waxay si dhab ah u doonayaan in hubka loo dhiibo Israa’iil, Annagu Israa’iil darteeda gacmaheena ma u laabeyno,” ayuu yiri Sheekh Nacim Qaasim oo ah ku-xigeenka hoggaamiyaha Xisbullah.

Mareykanka ayaa cadaadis saaraya dowladda Lubnaan si ay u soo saarto go’aan rasmi ah oo ka soo baxa golaha wasiirrada oo ku saabsan in hubka laga dhigo Xisbullah, kahor inta aan dib loo bilaabin wadahadallada lagu joojinayo howlgallada milatari ee Israa’iil ka waddo gudaha Lubnaan sida ay u sheegeen wakaaladda Reuters shan ilo xog ogaal ah.

Aoun wuxuu sheegay in hindisahan cusub loo gudbin doono xukuumadda Washington todobaadka soo socda, laguna horkeeni doono golaha wasiirrada, kaasoo ku saleysan:

1-In Israa’iil ay joojiso weerarada ay ka waddo Lubnaan

2- In ay ka baxdo fariisimaha ay ka degantahay koonfurta dalkaasi

3- iyo In Xisbullah ku wareejiso hubkeeda ciidanka Lubnaan

Qorshahan waxaa sidoo kale loo raadinayaa in loo helo taageero dhaqaale oo gaaraysa $1 bilyan sanadkii, muddo toban sano ah, si loo taageero ciidamada milatariga iyo kuwa amniga. Waxa kale oo jira qorshe lagu qabanayo shir caalami ah dhammaadka sanadka, si loogu taageero dadaallada dib-u-dhiska ee Lubnaan.