Apr 18(Jowhar) Benjamin Netanyahu ayaa ka carooday hadalka Trump ee ahaa in aan duqeyn dambe laga fulin karin gudaha dalka Lubnaan, oo ay mamnuuc tahay, waxaana uu isticmaalay erayga ah “Enough is enough” (waa nagu filan tahay), Tani waxay si weyn uga yaabisay Netanyahu iyo kooxdiisa, maadaama uu ka hor imaanayo qoraalka rasmiga ah ee heshiiska xabbad-joojinta ee 10-ka maalmood ah
Heshiiska ay wada gaareen Mareykanka, Israa’iil iyo Lubnaan, wuxuu si cad u sheegayaa in Israa’iil aysan samayn karin hawlgallo duullaan ah, balse ay xaq u leedahay inay is-difaacdo haddii ay jirto khatar soo socota ama weerar toos ah.
Netanyahu, wuxuu doonayaa in uu sii wado duqeymaha & dagaalka uu dhexda u galinayo Trump, laakiin Aqalka Cad waxaa ka yeeraya dhawaaq aad looga soo horjeedo kan Israa`iil oo naceybka ayaa kordhaya.










