Aug 04 (Jowhar)-Ugu yaraan 65 muhaajiriin ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen kadib markii doon ay saarnaayeen dad ku dhow 150 qof ay ku degtay xeebaha Yemen, xilli cimilo xun ay jirtay, sida ay sheegeen masuuliyiin caafimaad.
Doonidan ayaa ku degtay xeebta degmada Ahwar ee gobolka Abyan ee koonfurta Yemen, meel ku dhow Badweynta Carabta, sida ay tilmaameen ilo amni.
Abdul Qadir Bajameel, oo ah masuul caafimaad oo gobolka ah, ayaa sheegay in 10 qof oo kaliya la badbaadiyay, sagaal Ethiopian ah iyo hal Yemeni balse tiro badan ayaa weli la la’yahay. Labo kalkaaliso caafimaad ayaa sidoo kale sheegtay in gurmadka raadinta dadka kale uu socdo.
Hay’adda IOM ayaa sheegtay in Yemen ay weli tahay meel si weyn ay u gaarayaan muhaajiriinta sharci darrada ah ee kasoo socda Afrika.
Muhaajiriinta ayaa sanad kasta u kala gudba marin biyoodka Bab al-Mandab, oo kala qeybiya Jabuuti iyo Ereteriya dhinaca Afrika iyo Yemen dhinaca Carabta, iyagoo raacaya dooma aan ammaan ahayn si ay u gaaraan Boqortooyada Sacuudi Carabiya ama dalalka kale ee Gacanka, halkaas oo ay rajeynayaan in ay shaqo ka helaan.
IOM waxay ku tilmaantay marin-kan inuu ka mid yahay waddooyinka ugu mashquulka badan uguna halista badan caalamka ee muhaajiriinta isugu jirta dad shaqo-doon ah iyo qaxooti ay isticmaalaan.
Sannadkii hore oo keliya, IOM waxay diiwaan gelisay in ka badan 60,000 oo muhaajiriin ah oo Yemen gaaray.