Monday, April 20, 2026
Home NEWS Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka oo la soo gabagabeeyay

54

Apr 19(Jowhar) Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya ku matalayey wafdi Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal oo uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Shirweynaha 152-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka ayaa sanadkan looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga caalamka, isbeddelka cimilada, horumar waara, dimuqraadiyadda, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga Baarlamaannada Adduunka, waxaana Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shirka khudbad ka jeediyey uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Kobcinta rajada, sugidda nabadgelyada iyo hubinta caddaaladda jiilalka mustaqbalka, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta nabadda, horumarinta dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Shirweynaha intii uu socday waxaa barbar socday kulamo gaar gaar ah iyo doodo muhiim ah, iyadoo shirka lagu doortay Xoghayaha Joogtada ah ee Midowga Baarlamaanada Adduunka oo ay ku guuleysatay Marwo Anda Filip oo kasoo jeeda dalka Romania.