Saturday, April 25, 2026
Home NEWS RW Rooble oo sheegay in mudo xileedka dowladda ay ka hartay 19...

RW Rooble oo sheegay in mudo xileedka dowladda ay ka hartay 19 cisho kaliya

101

Apr 25(Jowhar) Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud looga baahan yahay inuu talada dib ugu soo celiyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu gabaabsi yahay muddo xileedkiisa dastuuriga ah.

Rooble ayaa xusay in Madaxweynaha ay uga harsan tahay oo keliya 19 maalmood iyo 6 saacadood, taasoo uu ku tilmaamay waqtiga sharciyeysan ee lagu doortay bishii May 2022-ka. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in la joogo xilligii shacabka loo oggolaan lahaa inay doortaan hoggaankooda cusub, halkii lagu mashquuli lahaa qorshe kasta oo dib u dhigaya doorashada ama sii joogista xukunka.

Ra’iisulwasaare Rooble, oo maamulayey marxaladdii kala guurka ee sanadihii 2021 illaa 2022, ayaa xilligaas wajahday khilaafaad siyaasadeed oo culus, murano doorasho iyo is mariwaa u dhexeeyay madaxda sare ee dalka. Inkastoo duruufahaasi jireen, haddana ugu dambeyn waxaa suuragashay in doorasho lagu doorto Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Rooble ayaa imanaya xilli siyaasadda Soomaaliya ay mar kale gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo dood xooggan ay ka taagan tahay hannaanka doorashada, muddo xileedka dowladda, iyo mustaqbalka hoggaanka dalka.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sidoo kale ku eedeynaya Madaxweyne Xasan Sheekh inuu doonayo sii joogista xukunka, halka taageerayaashiisuna ay sheegayaan in dowladda ay diiradda saareyso amniga, dagaalka Al-Shabaab, iyo dib u habeynta dowladnimada dalka.