Apr 25(Jowhar) Dalka Mali ayaa maanta wajahaya weerarro baaxad leh oo isku mar ah lagu qaaday magaalooyin istiraatiiji ah, xilli xaaladda amnigu ay gaartay meeshii ugu hooseysay, Aroornimadii hore kooxaha Argagixiso ayaa weerar safmar ah ku qaaday Caasimadda Bamako, magaalada Kati (xarunta milatariga), Sevare, Gao, iyo Kidal.
Warbaahinta dibada ayaa sheegaysa in la maqlay qaraxyo iyo rasaas culus oo u dhow xarumaha ciidanka iyo garoonka diyaaradaha ee Bamako, duullimaadyadii garoonka ayaa joogsaday, xubnaha wasiiradda ayaana warbaahinta laga maqlin.
Safaaradda Mareykanka ee Bamako ayaa muwaadiniinteeda ugu baaqday inay guryahooda ku sugnaadaan (shelter in place) oo aysan dhaqdhaqaaq samayn, khatar xoogana ay jirto.
Hoggaamiyaha milatariga ee Jeneraal Assimi Goïta ayaa xaqiijiyay inay wadaan hawlgallo ay ku xakameynayaan weerarradan, inkastoo wali xaaladda aan la hubin.










