Monday, April 27, 2026
Home NEWS Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubatay markab 16 shaqaale ah ay saarnaayene

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubatay markab 16 shaqaale ah ay saarnaayene

58

Apr 27(Jowhar) Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Markab nooca xamuulka qaada ah oo Burcad Hubeysan ku afduubteen xeebaha Soomaaliya, Markabka ayaa ku gooshaya Calanka Panama, wuxuuna kusii jeeda Musanbiig, 16 shaqaale oo 10 kamid ah Carab yihiin ayaa la xaqiijiyey in ay saaran yihiin.

Sida ay sheegayaan xogo hordhac ah Markabkan dableyda haysata ayaa maanta uun kumaqnaa biyaha, si fal burcadnimo u geystaan, maalmihii u danbeeyey walaca laga qabo kooxahan ayaa kordhayay.

Shirkad xamuul oo laga leeyahay Yurub ayaa kuqoran in uu agabyo u wado, isagoo leh Wiish awood u leh in uu deked la’aan agabyo kudajiya Doon ama Markab kale, taas oo shaki abuurtay, maadaama uuna kujiray xiliga la qabsanayay Biyaha Soomaaliya oo ka durkay biyaha caalamiga ah.