Saturday, May 2, 2026
Home NEWS Dowlada Federalka oo amartay in laga guuro xaruntii Jaamacadda Ummadda

Dowlada Federalka oo amartay in laga guuro xaruntii Jaamacadda Ummadda

195

May 02(Jowhar) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa amar ku bixiyay in dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay si degdeg ah uga guuraan.
Wasiirka oo ka qeyb galay munaasabadda dhagax-dhigga casriyeynta Jaamacadda Ummadda, gaar ahaan qeybta Gaheyr, ayaa sheegay in dhulkaasi uu yahay hanti qaran oo loogu talagalay adeegga bulshada.

“Dhulka Jaamacadda Ummadda waa dhul dan guud ah, dadka deggenna waa in ay si degdeg ah uga guuraan si dib loogu dhiso loogana faa’iideeyo bulshada,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud, ayaa si diirran u soo dhaweeyay dhagax-dhigga dib u dhiska jaamacadda.waxaana uu u mahadceliyay wasiirka wasaarad waxbarashada dowlada federalka soomaaliya.cod

Dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka ayaa sababay in qoysas badan oo soomaali ah ay guryo ka dhistaan xarumihii dowlada,balse dowlada federalka soomaaliya ayaa ka bilowday caasimada dalka ee muqdisho inay ka saarto dadkii degenaa xarumihii danta guud ee ay lahayd dowlada soomaaliya.