May 02(Jowhar) Madaxweyne Donald Trump ayaa ku tilmaamay qabsashada ay ciidamada badda Mareykanka ku qabteen maraakiibta Iran ee mara marinka Hormuz ganacsi faa’iido badan leh, isagoo ku faanay in Washington ay la wareegtay shixnado iyo saliid Iiraan ay leedahay, taasoo qeyb ka ah go’doominta.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ciidanka Badda ee Mareykanka ay u dhaqmeen sida burcad‑badeed isagoo ka hadlaya qabsashada markab intii lagu jiray go’doominta ay Mareykanku saareen dekedaha Iiraan.
“Waxaan la wareegnay shixnaddii, waxaan la wareegnay saliidda, oo ah ganacsi faa’iido badan leh, yaa u maleyn lahaa, waxaan la mid nahay burcadbadeedda,” ayuu yiri Trump oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday gobolka Florida ee dalka Mareykanka.
Isaga oo difaacaya go’doominta, Trump waxa uu ku dooday in “Iran waxay hub ahaan u isticmaalaysay marin biyoodka Hormuz sannado badan, waxay sheegeen in ay xiri doonaan. Markaa way xireen, ka dibna waan ka xirnay iyaga.”
Isbarbardhigga Trump ee dhaqdhaqaaqa badda ee Mareykanka iyo burcad‑badeednimo ayaa imanaya xilli khubarro dhinaca sharciga ah ay ka digayaan xiritaanka Marinka Hormuz ee ay Iiraan sameysay iyo qorshayaasheeda ku aaddan inay canshuur ama khidmad ku soo rogaan maraakiibta halkaas ka gudubta.
Maraykanka iyo Israa’iil ayaa billaabay duqeymo ka dhan ah Iran 28-kii Feberaayo, taasoo keentay in Tehran ay ka aargoosato xulafada Mareykanka ee Khaliijka iyo xiritaanka marinka Hormuz.
Xabbad joojin ayaa lagu dhawaaqay 8-dii Abriil iyada oo loo maray dhexdhexaadin Pakistan ay garwadeen ka ahayd, ka dibna wadahadallo ayaa ka dhacay Islamabad 11-12 Abriil, laakiin wax heshiis ah lama gaarin.Trump ayaa markii dambe si keligiis ah u kordhiyay xabbad joojinta isaga oo aan dejin waqti cusub.
Dhanka kale, wararka ayaa tilmaamaya in maamulka Trump uu doonayo inuu sameeyo isbaheysi caalami ah si loo soo celiyo isu socodka badda ee marinka Hormuz.
Tan iyo 13-kii Abriil, Mareykanka waxa uu dhaqan geliyey go’doomin dhanka badda ah oo lagu beegsanayo maraakiibta badda Iran ee mara marin biyoodka.










