Saturday, May 2, 2026
Home NEWS Xasan Sheekh oo kulan casuumaad u fidiyay Golaha Mustaqbalka

Xasan Sheekh oo kulan casuumaad u fidiyay Golaha Mustaqbalka

40

May 02(Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku martiqaaday Golaha Mustaqbalka inay ka soo qeybgalaan kulan qabsoomi doona 10-ka May 2026.
War Saxaafadeed la soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in kulankan loogaga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka, iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.

Casuumadan uu fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmeysa kadib kulan ay yeesheen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayna soo saareen war murtiyeed ay ku diidan yihiin doorashada qof iyo codka ee uu Madaxweyne xasan sheekh sheegay in dalka ka dhacayso.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii u dambeeyey la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, wuxuu si rasmi ah ugu casuumayaa Golaha Mustaqbalka ka qeyb-galka kulan qabsoomi doona 10-ka May 2026.

Kulankan wuxuu salka ku hayaa baahida loo qabo in si niyadsami, daah-furnaan iyo mas’uuliyad leh looga wadahadalo arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan geeddi-socodka dowlad-dhiska sida doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka, iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu-tanaasul, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah, natiijo wax ku ool ahna ay ka soo baxaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar kale adkaynayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, is-afgarad iyo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya.