Tuesday, May 5, 2026
Home NEWS Dowladda Soomaaliya oo beenisay iney dalka ka eriday Safiirka Imaaraatka Carabta

Dowladda Soomaaliya oo beenisay iney dalka ka eriday Safiirka Imaaraatka Carabta

112

May 05(Jowhar) Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warar la faafiyay oo sheegayay in safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) ee Soomaaliya laga wryay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in warkaasi uu yahay mid gebi ahaanba been abuur ah oo aan lahayn wax sal iyo raad ah.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ugu baaqday warbaahinta iyo bulshada guud ahaan inay ka taxaddaraan faafinta wararka aan la hubin, isla markaana xogaha saxda ah ka raadsadaan ilaha rasmiga ah ee dowladda.