Tuesday, May 5, 2026
Home NEWS Golaha Mustaqbalka Saddex Shuruudood oo adag ku xiray tagista Gogoshii madaxweyne Xasan

Golaha Mustaqbalka Saddex Shuruudood oo adag ku xiray tagista Gogoshii madaxweyne Xasan

190
Screenshot

May 05(Jowhar) Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa aqbalka tagida wada hadalka madaxweyne Xassan Sheikh ugu yeeray ku xiray sharuudo ay ka mid yihiin.

1- In la joojiyo dhammaan howlaha doorashooyinka, dhaqdhaqaaqyada dhaawacaya isku imaatinka & ajende kasta oo siyaasadda doorashooyinka la xariira, haddii niyadsami jirto.

2- In la helo dhexdhexaadin madax banaan oo lagu kalsoon yahay, maadaama horey loogu fashilmay wareegyo dheer oo wada hadal oo qaatay 2dii sanno ee lasoo dhaafay.

Tani waxay ka dhigan tahay in dhinacyadu is fahamsan yihiin, haddana loo baahday dhinac kale oo 3aad oo ka madax banaan, wakiilada caalamiga ah & Odayaal dhaqan oo laysku raacsan yahay mid ay noqon doonto ayaa hadda dood ka jirtaa.

Golaha Mustaqbalka ayaa ku dhawaaqay in 15ka May ka dib ay qaadi doonaan talaabooyin dowladnimada dalka lagu badbaadinayo, oo aan la aqbali karin Firaaq dowladnimo & mid dastuuri ah.