May 08(Jowhar) Sida uu qoray wargeyska Turkiga ee Hürriyet, kooxda Daltonlar ayaa lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weerar ka dhan ah wasiir hore ee Soomaaliya Cabduqaadir Macalin Nuur, iyadoo hay’adaha ammaanka Turkiga ay sheegeen inay heleen xog iyo caddeymo muujinaya qorshaha la damacsanaa in lagu dilo Musharrax Madaxweyne Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur.
Dilka cabduqaadir waxaa geeysan rabay laba dhalinyaro ah kuwaas oo baaskoolado ku hubeesnaa , dhalinyaradaan ayaa heestay tilmaamta gurgiisa,Warbixinta ayaa sheegtay in Cabduqaadir Macalin Nuur uusan maalintaas guriga joogin,
Cabduqaadir Macalin Nuur ayaa kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee si weyn looga yaqaan gudaha iyo dibadda, wuxuuna hadda kamid yahay musharraxiinta la filayo inay u tartamaan xilka madaxtinimada Soomaaliya. Kiiskan ayaa sidaas darteed yeeshay saameyn siyaasadeed iyo mid amni, maadaama uu quseeyo shaqsi Soomaaliyeed oo caan ah kuna sugan Turkiga.
Kooxda Daltonlar ayaa ah koox burcad abaabulan oo ka jirta Turkiga, waxaana lagu eedeeyaa falal ay kamid yihiin dilal qorsheysan, baad, ganacsi sharci darro ah iyo weerarro hubeysan. Magaca kooxda ayaa si weyn uga dhex muuqday warbaahinta Turkiga sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo hay’adaha ammaanka Turkiga ay marar badan howlgallo ka fuliyeen xubno lala xiriirinayo kooxdaasi. Baarayaasha Turkiga ayaa hadda baaraya xiriirada kooxda, dhaq-dhaqaaqyadooda iyo sida ay u abaabuleen qorshaha la sheegay in lagu beegsanayay siyaasiga Soomaaliyeed.










