May 09(Jowhar) Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyada xog-ogaalka ah ee ku dhow hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya mashaariicda horumarinta iyo bini-aadantinimada Soomaaliya, walaac xooggan ayaa laga qabaa istaagga mashaariic muhiim ah, ka dib is faham la’aanta hoggaanka Soomaalida.
Xilliga kama-dambaysta ah, In mashaariic badan la hakin doono wixii ka dambeeya 16-ka May, haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo dhex mara hoggaanka sare ee dalka, ayay sheegayaan xogaha.
Mashaariic qorsheysnaa oo ku kacaya Malaayiin Dollar ayaa gabi ahaanba lajoojin doonaa, halka kuwa socda la hakin doono bixinta dhaqaalaha qandaraaslayaasha sababo la xiriira hubanti la’aanta siyaasadda dalka.
Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa horay u shaacisay inay bisha June ee sannadkan joojin doonto hawlaheedii Soomaaliya dhaqaale la’aan darteed, taas oo caqabad weyn noqon doonta.
Waxaa kordhaya Isbedello dhanka dhaqaalaha ah oo ka dhashay imaanshaha Donald Trump ee Aqalka Cad, taas oo sii dhibaysa in Soomaaliya ay hesho kaalmo deg-deg ah xilligan lagu jiro kala guur siyaasadeed.
Sida ay xoguhu sheegayaan, beesha caalamka ayaa madaxda DFS iyo Golaha Mustaqbalka hordhigay inay gaaraan is-faham doorasho ka hor 15-ka May, iyadoo ay naga xigto 6 maalmood oo qura, ma muuqato rajo weyn oo muujinaysa in xal laga gaari karo nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.
Haddii aan xal deg-deg ah la gaarin, waxaa dalka ka dhalan kara hoos u dhac dhaqaale iyo mid horumarineed oo saameyn doona nolosha kumanaan muwaadiniin ah.










