May 10(Jowhar) Maalinta Arbacada ee soo socota ayaa waxaa kulan deg-deg ah ku yeelan doona Xarunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ergooyin ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, iyadoo uu shirkan garwadeen ka yahay Safiirka Mareykanka oo ay wehliso Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Dhanka Mucaaradka waxaa kulanka uga qeyb geli doona Madaxweynihii 7aad ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne maamul gobaleedka Siciid Cabdullaahi Deni, halka Dowladda Federaalka ay uga qeyb geli doonaan Madaxweyne DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.
Dhinacyadan ayaa lagu cadaadin doonaa doorasho deg deg ah dalka ka qabsoomta iyo in la soo afjaro khilaafka hareeyay hanaanka doorashooyinka dalka.










