May 13(Jowhar) Sida ay sheegayaan wararka soo baxaya Dooni xoolo siday oo ka baxday magaalada Berbera ee Somaliland, taas oo lagu magacaabo Xaaji Cali, kuna sii jeeda dalalka Khaliijka ayaa ku gubatay afaafka hore ee Marinka Hormuz-ka, iyadoo waday xoolo fara badan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, sida ay xoguhu sheegayaan.
Doonida ayaa kugubatay biyaha u dhaxeeya Cumaan iyo Imaaraatka Carabta, xili ay doonaysay in ay gasho aaga xasaasiga ah, waxaana la xaqiijiyey in ay xoolo loogu talogalay xiliga Carafada.
Todobaadkii hore dooni ka baxday Cuman, oo kusocotay Yemen oo agabyo Bagaash ah waday ayaa Drone ayaa lagu qarxiyey, iyadoo aan faahfaahin laga bixin.
Lama garanayo cida beegsatay, Tan ayaa hakad galisay Doonyo Soomaaliyeed oo kasoo bixi lahaa Imaaraatka.










