May 16(Jowhar)Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay la ildaran yihiin gaajo daran, iyadoo ka digtay khatar macluul oo si weyn ugu sii fidi karta dalka haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.
Warbixinta QM ayaa muujineysa in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay marayso heer aad u xun, islamarkaana loo baahan yahay tallaabooyin degdeg ah si looga hortago macluul baahsan oo saameyn ku yeelata shacabka nugul.
Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in loo baahan yahay balaayiin doollar si loo bixiyo gargaar degdeg ah oo lagu badbaadinayo nolosha dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta, colaadaha, iyo sicir bararka sare.
Baaqan dhaqaale ayaa imaanaya xilli ay jirto hoos u dhac ku yimid taageerada caalamiga ah, iyadoo dalal badan oo hore u taageeri jiray gargaarka ay hadda mudnaanta siinayaan arrimahooda gudaha.
QM ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, si looga hortago musiibo bani’aadamnimo oo hor leh oo dalka ka dhacda.










