May 18(Jowhar) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Daccò Coppi, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin laga siiyay halka ay marayaan seddex mashruuc oo waaweyn oo isbitaallo loogu dhisayo degmooyinka kala ah, Afmadoow Jubbada Hoose, Xarardheere Mudug iyo Caddale Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo ay maalgalinayso dowladda Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa boggaadiyey xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Talyaaniga muddada dheer, gaar ahaan dhinacyada diblumaasiyadda, horumarka, waxbarashada iyo taageerada bani’aadannimada, isaga oo safiirka la-wadaagay guulaha Xukuumadda DanQaran ay xaqiijisay ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo hirgalinta siyaasadda ku aaddan doorashooyinka madaxa-bannaan ee qof iyo codka ah.
Dhankiisa, Danjire Daccò Coppi, oo ka mahadceliyay qaabilaadda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya ee ku aaddan mashaariicda horumarineed ee dowladdu ka fulisay dalka.










