Sunday, May 24, 2026
Home NEWS Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo isu soo dhiibey ciidamada dowlada

Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo isu soo dhiibey ciidamada dowlada

92

May 24(Jowhar)-Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab oo hubeysan ayaa isu soo dhiibtay ciidamada dowlada ee ku sugan deegaanka Uhunji ee gobolka Shabelaha Hoose.

War ka soo baxay ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in sarkaalkan ka soo baxsaday Alshabaab la yiraahdo Cali maxamed colow waxaana uu hore uga soo dagaalamay Gobollada Hiiraan Sh/Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Sarkaalkan ka soo baxsaday Alshabaab ayaa waxaa warka ka soo baxay ciidamada dowlada ku tilmaantay in noloshu ay ku adkaatay isla markaana cabsi badan uu kala kulmay weerarada ay ciidamada dowlada ku hayaan dagaalamayaasha Alshabaab,

Ciidamada dowlada ayaa waxaa ay howlgalo ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabelaha Hoose iyadoo ciidamada dowlada ay kala wareegeen Alshabaab deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabelaha Hoose.